Muuqaal fiidiyow oo la duubay sanadkii 2011-kii oo muujinaayo isticmaalka aan sharciga aheyn ee astaanta ICRC oo ku dheggan sanaadiiqda wax lagu keydsado oo ku jirto lacag caddaan ah ayaa muddo  kor u dhaafeysa laba sano si waqti waqti ah ugu jirta warbaahinta bulshada, sanadkan 2018 horaantiis ku jirto.Waxaan rabnaa waxyaabahan soo socda in si cad loo fahmo: ICRC wax shaqo ah kuma lahan wax kasta oo ku saabsan kaydinta ama raridda lacagta caddaanka ah oo muuqaalka ku eedeynayo iyo waxaan si xooggan u cambaareyneynaa habkan si xun u isticmaalka magaceyna iyo astaanteena.

Si xun u isticmaalka astaanta ICRC oo ka muuqdo fiidiyowga waa xadgudub khatar ah loo gaystay magaca ICRC iyo macnaha gaarka ah iyo ujeedada astaanta Laanqayrta Cas, taas oo ah calaamad muuqata oo dhawris ah loogana hadlay Heshiisyadii Jeneefa ee dhibanayaasha colaadaha hubaysan.Fiidiyowga wuxuu hurinaya aragtiyada been abuurka ah sida lacagta sharci darada ah  oo dhaawacaysa sumcadda ururka oo loo dhisay caawinta dadka ay saameysay dagaalka ee 155-kii sano ugu dambeeyey.Inkastoo aanan ogeyn dhacdooyin ka dhashay muuqaalkan, waxaan ku walaacsannahay saameynta ku xadgudubka xad-dhaafka ah ee astaanta ay ku yeelan karto amniga shaqaalahayaga iyo wax-qabadyada dalalka aan ka shaqayno, halkaas oo kalsoonida dhinacyada oo dhan ay lagama maarmaan ugu tahay dhowrista shaqaalahayaga oo noo suurtagelineysa wax-qabad bani’aadamnimo ee kuwa sida aadka ah ugu baahan.

ICRC waa urur bani’aadamnimo oo si adag dhexdhexaad u ah, madaxbannaan oo aan eexan oo isku hawlaya dhowridda iyo caawinta dadka ay saamaysay colaadaha hubaysan iyo xaaladaha kale ee qalalaase.