Jilayaal cod ayaa ku kulmay qol idaacadeed ee Muqdisho ku taalo si ay u sameeyaan adeeg wargelin dadweyne oo ah sidii gacan looga geysan lahaa la dagaalanka daacuunka iyo shubanka.

“Xaaskeyga waa kuwa maseyra. Waqtiyadan dambe, cunto karinteedu ma ahan sidii hore u karin jirtay,”Cali oo ah mid ka mid ah labada jilayaasha labka ah ayaa si kaftan ah ugu yiri saaxibkiis oo la qadeynayey.

Xaaladooda cayaarta miiran ah ayaa si kedis ah u joogsatay markii ay ka war heleen in biyo yaalaan laakiin saabuun ay ku dhaqdaan gacmahooda uusan oolin-waa mid ka mid ah mawduucyada ugu muhiimsan ee xayeysiisku isku dayayo inuu gudbiyo, taa oo ah in dadku ay gacmahooda dhaqaan ka hor cunidda si loo joojiyo faafidda daacuunka.

Qoraalku waa mid ka mid ah saddexda googgoos oo 45-ta daqiiqo soconayo oo ka baxa Idaacadda Mustaqbal, oo ah xarun idaacadeed saldhiggeeduna yahay caasimadda Soomaaliya.

Axmed Ciise Guutaale oo ah barnaamij qoraha idaacadda Mustaqbal wuxuu ku lug lahaa qoraalada saddexda googgoos ee idaacadda oo ka hadlaya saddex farriimo waaweyn oo ICRC iyo SRCS ay isku dayayaan in ay dhiirigeliyaan: Gacmahaaga ku dhaq saabuun, cab biyo ammaan ah iyo booqo bukaan-socod-eegtooyinka SRCS si ay u helaan daryeel caafimaad dhalida ka hor. © ICRC/Abdikarim Mohamed

“Farriimaha waa kuwo gaaban oo toos ah .Taasi waa muhiim markaad rabto in aad bedesho caadooyinka dadka,” waxaa yiri Axmed Ciise, oo ah soo-saaraha abuuraya googgooska ku saabsan saddexda farriimo oo muhiimka ah.

Khubarada caafimaadka ayaa aaminsan in qoysaska Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in ay ogaadaan saddex arriimood si ay ula dhagaalamaan daacuunka: 1) Gacmahaaga ku dhaq saabuun. 2) Hubso in biyuhu ammaan yahay oo la cabi karo adigoo karkarinaya ama isticmaalaya walxaha wax lagu nadiifiyo. 3) Booqo bukaan-socod-eegtooyinka SRCS si loo xakameeyo khatarta cuduradan dilaaga ah.

Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo ay weheliso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) ayaa la shaqeeya Raadiyo Mustaqbal si ay u soo saaraan farrimaha.Jawaab celinta cudur marka uu dilaaco sida daacuunka iyo shuban biyoodka ba’an ayaa ku kooban bukaan-socod-eegtooyinka SRCS iyo xarumaha ICRC ee daaweynta daacuunka kuna yaalaan Kismaayo iyo Baydhabo. Sidoo kale, si kor loogu qaado fayo-dhowrka, mutadawiciinta SRCS waxay fuliyeen ololeyaasha guri-guriga ah.Mutadawiciintu waxay qaybiyaan aquatabs si loogu nadiifiyo biyaha, halka sidoo kale qoysaska ku tababaraan sida loo isticmaalo milanka fuuq-celinta.

Idaacaddu waxay ku sii faa’ideysaneysa dhulka ballaaran ee laga dhegeysto Soomaaliya marka la bar bar dhigo qaababka kale ee warbaahinta. © ICRC/Abdikarim Mohamed

Iyadoo googgooska lagu farsameynayo saddex farriin laguna baahinaayo gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayaa labada urur dhanka idaacadda dagaal ku qaadayan si loo xakameeyo halista dilaaca cudurka la is-qaadsiiyo.

“Farriimahan waxay qayb ka yihiin habka aan adeegsano oo looga hortago dilaaca cuduradan.Raadiyaha ayaan ku gaarnaa dhegaysteyaal aad u badan oo heer qoys ah,” Laura May oo mas’uul ka ah Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ICRC-da Soomaaliya ayaa tiri.

Inkastoo xilli-roobaadku dhammaanayo dhowaan, haddana khatarta cuduran ka dhasha biyaha way taagan tahay. Sannadkii 2017-kii, Soomaaliya waxay u aheyd sannad abaareed, waxaa xarumaha daaweynta daacuunka iyo bukaan-socod-eegtooyinka SRCS ee koonfurta iyo bartamaha dalka laga soo wariyey wadar dhimasho gaareysa 61.

“Daacuunka iyo shuban-biyoodka ba’an waa cuduro dilaaca xilli kasta. Xilli roobaadka ama xilliga Jilaalka, khatartu waa mid mar walba taagan,” Laura ayaa tiri.

Laakiin sidee baan u gudbinaa farriimahan muhiimka ah? Waxaan dib ugu laabaneyna xarunta idaacadda si aan u aragno.

“Dhaqanka Soomaalida, ereyga nin ayaa saameyn ku leh xubnaha kale ee qoyska,” Axmed oo ah mid ka mid ah jilayaasha codka, ayaa sidaa yiri.  “Sidaas daraadeed nin ayaa loo doortay in uu gudbiyo farriinta.”

Labada nin oo ku jira xayeysiiska ugu horeeya, Cali iyo Faarax waxay sameeyaan hakad yar marka ay dareemaan in aanan haysan saabuun ay ku dhaqdaan gacmahooda iyagoo sameynaya jilitaan ah in saabuun la’aan gacmo-dhaqashadu aan dhammaystirnayn.

“Waxay muhiim u tahay qof kasta oo dhegeysan doono, ha ku sugnaado Gobolka Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo gobolo kale in loo sheego sababta caadooyinkaas u leeyihiin faa’iido,” ayuu raaciyey, taa oo ku cad googgooska labaad oo ku saabsan cabitaanka biyo ammaan ah.

Laba dumar oo jilayaasha ah ayaa tilmaamaya in biyuhu aanay ammaan ahayn haddii aan la karkarin ama la nadiifin.Googgooska saddexaad oo sidoo kale dumar ku badan ayaa dhiirigeliya booqashooyinka bukaan-socod-eegtooyinka SRCS ee ku yaala guud ahaan Soomaaliya.

“Iyadoo ay la socoto xoogaa maad ah, farriintu waxay u egtahay in ay hirgashay. Berito, marka dhegeystuhu arko qof gacmihiisa dhaqaya asagoon isticmaaleyn saabuun, waxay xusuustaan farriinteena,” waxaa yiri Maxamed Cabdulkaadir, oo ah mid ka mid ah ragga ku jira muuqaalka gacmo-dhaqashada.

Khatarta shuban-biyoodka ba’an iyo daacuunka waxayba sii jirtay bilowga xilliga jilaalka, si rajo ah ololaha idaacadeed oo ka codeeyeen jilayaashan Soomaaliyeed waxay gacan ka geysan doonta ka hortagga cudurada.

Cabdullaahi Xuseen Cumar oo 20 sano jir ah doorka uu ka ciyaaray googgooska idaacadda waxay aheyd wiil yar. © ICRC/Abdikarim Mohamed