Soomaali gudaheed waa goob aan caadi ka aheyn in la arko haween saaran doonyaha kalluumeysiga baddana ku jira,oo nolol ka sameynaya, iyagoo jilaabanaya cunto-badeedka farabadan ee gobolka. Laakiin magaalo xeebeedka Eyl, mid ka mid ah kalluumeysatada caanka ah ayaa run ahaantii ah haweeney kalluumsato ah.

Iyadoo xiran dirac madow iyo garbasaar bunni ah, Caasha Cabdikarim waxay xeebta bacaadka leh ee Eyl la joogtaa kalluumeysatada ragga ah ee magaalada. Waxay ku dhex jirtaa kooxdeeda (element) iyadoo ku taagan bacaadka dahabiga ah ee halkaan: waxay kalluumeysaneysay ku dhowaad muddo labaatan sano.

Iyadoo ku dhex jirta xirfad dhaqan ahaan raggu ku awood badanyihiin kama ayan joojin 45-sano-jitra in ay raadiso waxa sida aadka ugu raaxeysaneyso-kalluumeysiga oo ah xirfad ay bilowdey 1999-kii. Aqoonteeda iyo xirfadaha badda iyo jaceylka u hayso khibradda ayaa iftiimiya marka ay ka hadleyso aasaaska mehredda sida waqtiyada iyo goobaha ugu fiican si ay u dabaan qabitaan fiican.

Kalluumeysatada qalabkooda way soo degsadaan, doonyahana waxay ku xiraan xeebta. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

“Inta lagu jiro xilliga dabeylaha monsoonka way adag tahay in laga shaqeeyo badda. Doonyaha ma geli karaan. Baddu way kacsantahay, dabeyshuna way xoog badan tahay,” Caasha oo ah hooyo saddex carruur leh ayaa tiri.

Goobaha xeebaha ah ee Soomaaliya waxay waaya-arag u yihiin lix bilood oo wareeg ah oo u dhaxeeya xilli kalluumeysiga uu hooseyo iyo xilli uu sareeyo, kaas oo xukuma dabeylaha monsoon-ka. Xilliga hooseyso laga bilaabo Maajo ilaa Setembar, hirarka sareeya iyo dabeylaha xooggan ayaa halis gelin kara doonyaha ganacsiga kuwa yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ahba. Kalluumeysatada xirfadlayaasha ah ayaa ah kuwa sida aadka ah u saameyo xilliga hoose taas oo u horseedeysa inay safar kooban ku tagaan badda.

Eyl waa magaalo xeebeed go’doon ah, oo marnaata inta lagu jiro xilliga hoose markaas oo kalluumeysatadu ka baxaan si ay shaqo ugu raadsadaan meelo kale. Caasha waa mid ka mid ah dadka kaluumeysatada ah ee ku haray magaalada waxayna rajo fiican ku sugeysa xilliga kalluumeysiga soo socda ee bisha Oktoobar

Sanadihii ay yareyd, Caasha kuma talo jirin ay noqoto kalluumeysato. Waxay ku bilowday guri-joogto, laakiin guurkeeda ayaa dhammaaday waxayna u halgantay sidii ay u heli laheyd hab ay ku daryeesho saddexdeeda caruur.

Sababta oo ah seygeedi hore wuxuu ahaa kalluumeysato, hore ayey u garaneysay sida kalluunka loo keydiyo iyo sida suuqa loogu diyaariyo. Kuwani waa xirfadaha ay ku shaqeyso ka dib markii ay dhistay huteel si ay ugu khidmeyso dalxiisayaasha booqanaya magaalada taariikhiga ah ee Eyl.

“Hadda ka hor, magaaladan ma laheyn guri marti, dadka waxay imaanayeen hal maalin keliya waxayna ka tagayeen ka hor inta aan la gaartin fiidkii.Laakiin hadda waxay haystaan meel wanaagsan oo ay ku nastaan halkaan oo aan ugu kariyo cunto-badeed daray ah oo dhadhan fiican leh” ayey tiri.

Ganacsiga Caasha ayaa sii shaqeyey oo kor u kacday markii Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) bishii Luulyo qoysaska kalluumeysatada ah siisay 20 qaboojiyeyaal oo ku shaqeeya qorraxda iyo 20 matoorada doonyaha si loo ilaaliyo halbawlaha hab-nololeedka Eyl. Caasha mid kasta hal ayey ka heshay.

“Kalluunka, argoostada, iyo libaax-badeedka aan soo qabto waxaan ku keydiya barafeeyaha wuxuuna ka ilaaliya in uu xumaado,” ayay tiri.

ICRC waxay bulshooyinka xeebaha ee Soomaaliya ugu deeqday matoortada doonyaha si kalluumeysatadu muddo dheer dibadda uga joogaan badda. Qaboojiyeyaasha waxay cunto-badeeda ka dhigayan kuwo la cuni karo muddo dheer. Isku darka matoorada iyo qaboojiyeyaasha bulshada wuxuu u oggolaanaya in ay kordhiyaan qabashada iyo in xilliga soo socda ay dhoofiyaan wax badan, Caasha ayay tiri.

“Waan rajeyneyna insha Allah. Waxaan heli doonaa nasiibkeena.Baddan waa nimco Alle na siiyey.”