Timir, hilib ari, caano boore, buskut, sokor iyo caleen shaah ayaa loo qeybiyey 5,600 maxaabiis oo ku kala jiraan 26 xabsi ku yaala Soomaaliya si loogu caawiyo in ay ku gutaan waajibaadka bisha Ramadaan.

Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa qaddariya Muslimiinta adduunka oo dhan kuwaas oo caadi ahaan sooma maalintii. Waa bisha la xusuusto dadka mudnaanta yar ee bulshada waxaana loo fidiya falalka naxariista leh. ICRC waxay u tahay astaan lagu muujinaayo in lagu hubiyo in maxaabiista aan illoobeen inta lagu guda jiro mudadan muhiimadda ku leh taariikhda Islaamka.

“Sida dadka kale ee Geeska Afrika, Soomaaliya waxaa si adag u saameysay abaar dalkana qarka u saartay macluul suurto gal ah. Xaaladahan oo ay jirto, cuntada yar la qeybiyey ayaa leh muhiimadeeda iyadoo wax ka tareyso in ay hagaajiso cuntada caadiga ah ee maxaabiista. Sidoo kale mas’uuliyiinta xabsiyada way mahadiyeen taageeradan dheeraadka ah iyagoo wajahaya dhibaatooyin farabadan ee maamulida xabsiyadan oo ku yaalaan dal inta badan ay saameysay colaadaha iyo rabshadaha,” waxaa yiri Dalila Romdhane oo kormeerta hawlaha xabsiyada ICRC-da Soomaaliya.

Saraakiisha ICRC oo cunto qeybin ka wada mid ka mid ah dhismayaasha xabsiyada. © ICRC/Anisa Dahir

Maxbuus ku jira mid ka mid ah xabsiyada wuxuu yiri, “Sanad walba ICRC-da Soomaaliya waxaan ka helnaa cunto inta lagu jiro Ramadaan, waxayna nagu caawineysa in aan ku soono.”

Booqashooyinka lagu bixiyo xabsiyada waa qeybta asaasiga ah ee shaqada Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas adduunka oo dhan. Maxaabiista waa in ay helaan la macaamil dadnimo ah oo sharaf leh mudada ay ku jiraan xabsiga, qoysaskana mar kasta waa in ay la socdaan qaddaraka ku dhacay ehelkooda waana in ay helaan fursad kula xiriiri karaan kuna booqan karaan.

Sanadkan Ramadaan waxaa la soomaya qiyaastii laga bilaabo 27-ka Maajo ilaa 25-ka Juun.

 

 

Eeg sawiro ICRC oo booqaneysa maxaabiis ku xiran Soomaaliya

Daawo sida ICRC u shaqeyso si ay u gaarto xabsi laga helaayo sharaf