Ururka Bisha ee Soomaaliyeed (SRCS) wuu u adkeystay Soomaaliya inkastoo ay jirtay taariikh dhibaato jahawareer ah. 1990-meeyadii markii dagaalkii sokeeye qarxay kaa oo carqaladeeyey adeegyada caafimaadka dadweynaha, SRCS wax u furan ma jirin aan ka sheyn in ay bedelaan maqnaanshaha maamulada caafimaadka ka dib burburkii maamulkii Siyaad Barre. Maanta waxay tahay urur bani’aadamnimo Soomaaliyeed kan ugu weyn dalka wayna ku mahadsantahay shabakadeeda mutadawiciinta baaxadda weyn.

Ururka hadda wuxuu maraya isbedelo keenay hoggaanka cusub oo hogaamiyo Madaxweyne Yuusuf Xasan Maxamed oo hoggaanka soo hayey tan iyo bishii Nofembar 2015-kii hadda wuxuu wajahaya mid ka mid ah abaarahii ugu xumaa ee dalka soo mara muddo sanooyin ah. In ka badan kala bar dad baahi qaba qaar la kulmayan gaajo, cudur iyo dhimasho. 8-da Maajo waa Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas Adduunka, waa xaflad sanadle ah ee Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas. Madaxweynaha SRCS wuxuu ka warbixinaya waxa ay dhigantahay hoggaaminta SRCS inta lagu guda jiro dhibaatada iyo wixii isbedelo ah oo dhici doono.

S: Haloow waad ku mahadsantahay in aad nala hadasho.Madaxweynaha Uurka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ahaan ma noo faahfaahin kartaa isbedelada SRCS ay mareyso?

Madaxweynaha SRCS, Yuusuf Xasan Maxamed

J: SRCS waxay hadda ku hawlantahay tiro geeddi-socod iyo isbedelo loogu golleeyahay (talagalay) dib u dhiska awoodeeda ee dhinacyada horumarinta maaliyadda kheyraadka dadka, maamulka mutadawiciinta,abaabulka kheyraadka iyo Qaabka hab Ammaan ah meel lagu gaaro. Waxay kaloo dib u eegis ku sameyneysa barnaamijyadeeda muhiimka ah: daryeelka caafimaadka asaasiga ah,baafinta, maareynta musiibooyinka, warbaahinta iyo gargaarka deg degga ah. Isbedeladan waa kuwo aad muhiim ugu ah SRCS maadaama hawlaha ay balaarteen iyo sidoo kale deegaanka lagu shaqeeyo oo isbedela.

S: Waxaad aheyd agaasimaha Isbitaalka Keysaney oo maamusha SRCS. Sidee aheyd waayo aragnimadaas?

J: Waxaan Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed mutadawacnimo ahaan ugu biiray sanadkii 1989.Waxaan xubin ka mid ah shaqaalaha noqday 1992-dii waxaa xilal kala duwan ka qabtay gudaha SRCS. Sanadkii 2003-dii waxaa la ii magacaabay agaasimaha isbitaalka lagu daweeyo dadka ku soo dhaawacma dagaalka oo ku yaalo Muqdisho.

Maalmihii aan joogay isbitaalka, Keysaney wuxuu soo maray marxalado kala duwan marka loo eego baaxadda adeegyada iyo awooda shaqaalaha. Isbitaalka oo hore u ahaa dhisme xabsi waxaa la furay 1992-dii oo aan laheyn tas-hiilaadka qalliinka. Isbitaalka markii dambe waxaa loo bedelay isbitaal si buuxda u shaqeeya.

La dhaqanka qeybaha ku lugta leh colaada ayey aheyd caqabada ugu weyn i soo wajahday. Si degaanka ku yaalo isbitaalka gacanta loogu hayo si isdaba joog ah ayaa loo bedbedelaayey intii lagu gudajiray bartamihii iyo dabayaaqadii 2000, dhexdhexaadnimada isbitaalka Keysaney waxaa caddeeyey awooda u yeeshay in uu sii shaqeeyo iyadoo aan loo eegin kooxda maamulka gacanta ku haysa.

S: Inta badan jimiciyad-qarameedyada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxay ku faanaan shabakadooda mutadawiciinta ay ka helaan bulshooyinka ka dhex shaqeeyaan. Shabakadda iyo u dhowaanshaha SRCS sidee ka tahay Soomaaliya?

J: SRCS waa ururka ugu weyn bani’aadamnimo wadaniga ah ka jira Soomaaliya oo leh shabakad 19 laamood ka kooban, 400 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha iyo in ka badan 8,000 mutadawiciin oo ku faafsan guud ahaan dalka.

Waxaan la shaqeyna bulshooyinka si wax looga qabto caqabadaha bani’aadamnimo iyadoo wax laga qabanaayo sababaha asalka ah. Iyadoo la adeegsanaayo kaabayaasha xarumaheena caafimaadka iyo kan wareega oo bulshada degaankooda ugu taga iyo sidoo kale shabakadeena ballaaran ee mutadawiciinta waxay door muhiim ah ka qaadata ka jawaabida xaaladaha deg degga ah ee caafimaadka bulshada.

SRCS waxay adeegyada daryeelka caafimaadka siisaa dadka nugul oo ay ka mid yihiin dumarka iyo caruurta. Waxay maamushaa xarumaha dhaqan celinta naafada, waxayna bixisaa adeegyada baafinta si loo soo celiyo xiriirka qoyska. SRCS iyadoo adeegsaneysa waxqabadyo ku saleysan bulshada waxay sidoo kale taageertaa dadka nugul si ay ugu diyaariso xaalad kasta oo deg deg ah,si loo yareeyo khatarta iyo in loo xoojiyo adkeysiga.

Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) waxay gacmahooda ka dhaqanayan xarunta daaweynta daacuunka. Tiro ka mid ah mutadawiciinta SRCS waxay caawinayan shaqaalaha isbitaalka oo daryeela bukaannada.Kooxaha caafimaadka SRCS ee wareega waxay sidoo kale degmada dhexdeeda ka sameeyaan booqashooyin gur guri ah iyagoo dhiirigelinaya fayo-dhawka iyo nadaafadda habboon. © ICRC/Abdikarim Mohamed

S: Masiibooyinka Soomaaliya oo meertada ah ee abaarta iyo fatahaada iyo taariikhdeeda colaada,sidee SRCS ula tacaaleysa?

J: Soomaaliya gaar ahaan waxay leedahay jawi ku adag waxqabad bani’aadamnimo. Dadaalkeeda ku ayideyso kuna dhaqmeyso Mabaad’ida Asaasiga ah SRCS waa laga ixtiraama gudaha iyo dibadda Dhaqdhaqaaqa. Colaada Soomaaliya oo u weheliso abaarta meertada ah ayaa sababtay dhibaatooyinka bani’aadamnimo oo sii jira.

Shabakadda mutadawiciinta sii kordheysa bulshooyinka dhexdooda oo dhiirigelinaya Mabaad’ida Asaasiga ah, ayaa sii xoojisay sumcadeena iyo aqbalaada bulshada taa oo kordhisay gaarida SRCS. Mutadawiciinta SRCS waxay ka shaqeeyeen sidii ay u adkeyn lahaayeen aqbalaadaas bulshada. Tani oo bulshada maankeeda lagu dhejiyey waa waxa keenay in SRCS awoodaan in ay ka sii shaqeyso qaar ka mid ah meelaha in la gaaro ay adag tahay.

SRCS waa bixiyaha ugu weyn gargaarka deg degga ah dalka. Gargaarka deg degga waa asaaska dhammaan hawlaha SRCS;waxay xaqiijineysa ballanqaadkeyni ku lug yeelaneyno bulshada ee ka jawaabida xaaladaha deg degga ah. Waxa xoogga la saarayo waa ficilada gargaarka deg degga ah oo loo fulinaayo si habboon oo deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha, loo yareeyo dhibaatada, looga hortago curyaanimo.

Sida abaarta hadda jirta, SRCS oo taageero ka heleysa la hawlgalayaasha Dhaqdhaqaaqa iyo kuwa aan la hawl-galin Dhaqdhaqaaqa waxay si wadajir ah kor ugu qaadeen waxqabadka bani’aadamnimada iyadoo bar-tilmaameedsaneysa dadka abaarta saameysay. Bulshooyinka waxay qeyb muhiim ah ka yihiin dhammaan hawlaha ay SRCS.

S: Waxaad SRCS la joogtaa muddo hadda ka badan 25 sano. Maxaa maanka ku haysa oo lahaayeen ahmiyad sanadahan badan ee adeegga?

J: Waxaan xirfadeyda shaqo ku dhisay gudaha SRCS anigoo ka soo bilaabay si mutadawacnimo ah ka dibna qabtay xilal kala duwan ayna ku jirto hoggaanka mutadawaca. Tani waxay ii suurtagelisay in Dhaaaqdhaqaaqa dhexdiisa aan ka helo waayo-aragnimo dheeraad ah. Waxaan tababar siiyey tiro ka mid ah ardeyda gargaarka deg degga, waxaan caawimaad ka geystay isbedelka uu sameeyey isbitaalka Keysaney.

S: Xaggee u saadaalineysa SRCS tobanka sano ee soo socota?

J: Waxaan SRCS u saadaalinaya jimciyad-qarameed awood leh oo adeegyo wax ku ool ah siinaya dadka Soomaaliyeed ee nugul. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay ku xirnaan doontaa horumarka ay sameyso siyaasadda. Waqtigan la joogo, jimciyad-qarameedka waxay dhiseysa awoodeeda si wax u qabtaan.

Bayaanka Madaxweynaha SRCS ee Maalinta Laanqayrta Cas Bisha Cas Adduunka