Xaaladda bani’aadamnimo ka jirta Soomaaliya waxa qarka u saarantahay in ay gaarto heer musiibo ah, waxaana sii kordhaya walaaca ah in dhabaha ay ku socoto si wel wel leh ula mid tahay musiibadii abaartii ka dhacday Soomaaliya 2011-kii oo dad lagu qiyaasay 260,000 qof ay ku naf waayeen. Maanta dad lagu qiyaasay 6.2 malyan oo ah in ka badan kala bar dadka dalka waxay wajahayan cunto yari ba’an, tirada caruurta la il daran nafaqo darida ay sii kordheyso. Xaaladan quusta ah waxay imaaneysa colaad dabadheeraatay oo mar hore soo jirtay taa oo carqaladeysay hab-nololeedka iyo adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka iyo biyaha dalkana ku riday dhibaatooyin qoto dheer.

Roobabka oo aan di’in ayaa sii xumeysay xaaladaha abaarta oo baabi’isay dalagyada iyo xoolaha. Xoola-dhaqatada waxaa si isu soo tareysaa loogu qasbay in ay socdaan masaafooyin dhaadheer iyagoo raadsanaya daaq iyo biyo. Si wadajir ah Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo shabakadeeda mutadawiciinta baaxadda weyn waxay sii wadaan in ay caawiyaan bulshooyinka saameysay abaarta  oo ku sugan meelaha u nugul colaada oo ay adag tahay in la gaaro Soomaaliya oo dhan.

Hoose waxaa ka muuqda guud mar gargaarka deg degga ah oo la bixiyey inta lagu guda jiro ka jawaabidda abaarta.

Hawlaha Gargaarka

Hawlahan waxaa loo fuliyey si deg deg ah oo hufan oo loogu gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolol waqtiga abaarta, iyo in lagu dhawro hab-nololeedka khatarta deg degga ku sugan. Hawlahan waxaa ka mid ah cunto qeybin, lacag cadaan ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qoyska.

  • 243,582 qof waxay heleen cunto ka kooban bariis 50 kg, digir 25 kg iyo 10 litar oo saliid ah halkii qoysba
  • 427,860 qof ayaa taageero dhanka dhaqaalaha ah oo lacag caddaan ah ay heleen
  • 57,264 qof waxay heleen waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qoyska oo ka kooban maacuun, saddex maryo kaneeco, laba jiirgaan oo 10- litar qaad ah, baca roobka, laba derin, xirmo alaabta fayo-dhawrka ku jirto oo loogu talagalay hooyada iyo canugga, 6.25 kg oo boorash ah (mushaalli) iyo laba shaal halkii qoysba

Hawlaha Daryeelka Caafimaadka

ICRC waxay dadka ay saameysay abaarta iyo colaada u xaqiijineysa in ay helaan adeegyada caafimaadka asaasiga ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah oo la aqoonsanyahay. Soomaaliya, ICRC waxay taageertaa afar isbitaal, labo xarumaha xanaanada deg degga ah iyo 25 bukaan-socod eegtooyin oo ku kala yaalaan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

  • 241,789 bukaan waxay daryeel caafimaad ka heleen 25 bukaan-socod eegtooyinka SRCS.
  • 7,247 qof ayaa la dhigay xarumaha lagu dabiibo daacuunka oo ku kala yaalaan Isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo
  • 31,802 caruur da’dooda ka hooseyso shan sano oo nafaqo dari haysay ayaa lagu daweeyey xarumaha xanaanada deg degga iyo bukaan-socod eegtooyinka Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS). 4,413 oo ka mid ah caruurtan oo haysay nafaqo dari ba’an ayaa la dhigay Qeybta Daryeelka Deg degga ah. 12,856 oo ah haween uur leh iyo kuwo nuujinaaya waxay heleen taageero dhanka nafaqeynta ah
  • 6 rug caafimaad wareegaa oo ku qalabeysan dawooyin iyo shaqaale ayaa tuulooyinka ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya siiya adeegyo caafimaad

Ka jawaabidda Biyaha iyo Nadaafadda guud

ICRC waxay dadka iyo xoolaha ku sugan meelaha abaartu ku dhufatay siisaa biyo waxayna labadaba u xaqiijisa helitaanka biyo nadiif oo ammaan ah.

  • 163,750 qof ayaa ka faa’ideystay dhisida iyo dayactirka ceelal. Soddon haamood oo 5,000 liitar qaad ah oo biyaha lagu keydsado dusha sarana ka furan ayaa la qeybiyey si loo kordhiyo awooda bulshooyinka ay ku keydsan karaan biyaha, haamanka waxaa lala qeybiyey daro ku meel gaar ah oo gaaraya 21 xabbo oo loogu tala galay in xoolaha biyaha ka cabaan.
  • 12,430 qof ayaa ayaa ka faa’ideystay dhisida iyo sii qodida ceelal.
  • 518,429 qof ka faa’ideystayhelitaanka biyo ammaan ah oo nadiif ah iyagoo loo sameeyey hawlaha kor u qaadida fayo-dhowrka, daaweynta biyaha qoyska iyo sahayda biyaha oo koloriin loogu daray