Iyadoo qof dumar ah oo ku nool Soomaaliya, Xaliima Cabdulle waxay si fiican ula socotaa in doorarka hoggaaminta dalkeeda dhaqan ahaan loogu talagalay ragga. Laakin xaqiiqdan jirto kama joojin in ay sare uga soo baxdo shaqadeeda. Iyadoo ah qof cod jilicsan oo u wehelisa anshax wanaagsan, Xaliima waa kalkaaliso caafimaad sare oo aqoon u leh ku daweynta hab duugmo iyo jimicsiga xubnaha naafoobay waana agaasimaha Xarunta Dhaqan Celinta Naafada ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waa dhisme ku taalo Muqdisho oo bukaanada ku caawinta sidii ay u baran lahaayeen isticmaalka gacmaha iyo lugaha macmalka ah oo cusub.

 

 

Xaliima Maxamed Cabdulle waa kalkaaliso caafimaad sare oo aqoon u leh ku daweynta hab duugmo iyo jimicsiga xubnaha naafoobay waana agaasimaha xarunta dhaqan celinta naafada ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross

Xaliima Maxamed Cabdulle, agaasimaha xarunta Dhaqan celinta naafada Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho halkaas oo bukaanada ku bartaan sida loo isticmaalo gacmaha iyo lugaha macmalka ah oo cusub. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross

Dhammaadkii sanadkii 2016-kii Nasra Cali (5) waxaa ku dhacay qalal keenay dhaawac maskaxeed hadda waa markii ugu horeysay oo ay soconeyso. In ka badan 30 sano, xarunta dhaqan celinta naafada Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Muqdisho bukaanada waxay siiyeen daweyn dhanka jirka ah. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross

Xarunta Dhaqan Celinta Naafada ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waa dhisme ku yaalo Muqdisho oo sameeya bukaanada ku caawiya sidii ay u baran lahaayeen isticmaalka waxa afka qalaad lagu yiraahdo orthopedic braces, gacmaha iyo lugaha macmalka ah oo cusub. ©Mari A. Mørtvedt/Norwegian Red Cross