Jaamacadda Dawladda Puntland, Garoowe, Soomaaliya. @ICRC/Pedram Yazdi

Jaamacadda Dawladda Puntland, Garoowe, Soomaaliya. @ICRC/Pedram Yazdi

Weerarada ka dhanka ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo agabkooda waxay dadka u diidaan in ay helaan daryeelka naf-badbaadinta ah. Taas ayaa hareysay doodihii tartankii Xeerka Caalamiga ee Bani’aadamnimada (IHL) Soomaaliya ugu horeeyey abid oo lagu qabtay Jaamacadda Dawladda Puntland ee Garoowe 21-kii iyo 22-kii Febraayo.

IHL, waa xirmo xeerar ah oo loogu talo galey in lagu xadido saameynta dagaalka/dagaalada hubeysan waa mawduuca soo jiitay xiisaha kulliyadda sharciga.

“Tartanku waa arrin muhiim u ah Kulliyadda waayo wuxuu u kordhinayaa khibrad ardayda isla markaana wuxuu kobcinayaa aqoontooda Xeerka Caalamiga ah ee Aadaminada’’ waxaa yiri Saleybaan Maxamed, Hormuudka Kulliyadda Shareecada iyo Qanuunka.

Ardeyda Sharciga Jaamacadda Dawladda Puntland oo fasal ku jirto. @ICRC/Pedram Yazdi

Ardeyda Sharciga Jaamacadda Dawladda Puntland oo fasal ku jirto. @ICRC/Pedram Yazdi

Tartanka oo ay soo  qabanqaabiyeen Jaamacadda iyo Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) wuxuu ka koobnaa 10 kooxood oo ardeyda qaanuunka, koox kasta aheyd saddex ardey oo aragtiyadooda  ku soo bandhigeen dacwadda. Guddi garsoorayaal ah oo ka socda Jaamacadda iyo xubno ka tirsan ICRC oo khibrad u leh Xeerka Caalamiga ah ee Aadminimada (IHL) ayaa bixiyey dhibcaha.

ICRC waxay tartanada u qabataa hay’adaha waxbarashada adduunka oo dhan si loo xoojiyo xiisaha loo hayo IHL-ka.

“Tartanka wuxuu ardeyda siiyey fursad weyn oo ay ku dabaqi karaan aqoonta lala wadaagay intii uu socday fadhiyadii wax-soo jeedinta. Sharaf weyn ayey ii aheyd in aan maqlo aragtiyada ardeyda, waana wax lagu farxo in la ogaado jiilka sharci yaqaanada birito ee Soomaaliya oo fahan fiican ka heysta Mabaadi’da Asaasiga ah ee IHL,” waxaa tiri Dr. Eve Massingham, La taliyaha dhanka sharciga ICRC ee heer gobol oo ka qeyb gashey tartanka.

Hannaanka tartanka waxaa sidoo kale ku jiray maalin barkeed oo casharo ku saabsan IHL ay bixiyeen khubaro ka socda ICRC iyo khudbad loo jeediyey dhammaan ardeyda kulliyadda sharciga oo ku saabsan tixgelinta loo hayo IHL-ka Geeska Afrika. Ardeyda ku guuleystay tartanka waxay kala ahaayeen Abdifatah Dahir Jaamac iyo, Mustafe Cali iyo Aadan Axmed.