Nayroobi(ICRC)– Waqti ay soo kordheyso walaacyada ku saabsan abaarta daran iyo macluul suurtagal ah in ay ka dhacdo Soomaaliya, ayaa Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) hadda cunto u qeybinaayan dad gaaraya 140,000 qof oo saameysay abaarta. Maalmaha soo socda dad gaaraya 100,000 qof oo dheeraad ah ayaa heli doona lacag caddaan ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah.

Inkastoo abaaraha Soomaaliya ay yihiin meerto, xaaladaha sanadkan waxaa sii xumeeyey xilli roobaadkii la soo dhaafay oo aan di’in. Xaaladaha abaarta ayaa hadda baabi’naya bulshooyinka ku xoolaha iyo beeraha.

“Abaartan wax aan ka oran karo ma jirto. Dadku waa ay bukaan. Caruurtu waa ay shubmayaan” sidaa waxaa yiri Sareedo Xaaji Jaamac, oo ah hooyo ku nool xero barakac oo ku taalo tuulada Godqaboobe.

Cunto qeybinta oo bilaabatay toddobaadkan waxay ka socotaa 114 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Ceel-buur,Matabaan iyo gobolada  Sool, Sanaag, Nugaal, Hiiraan iyo Bari- meelaha abaartu ku dhufatay waxay u nugulyihiin dagaalo oo dadku dhib ku noqoneyso in ay gaaraan.Dadka helay gargaarka waxaa ku jira 85,000 qof oo  barakacayaal ah oo si aad ah u nugul. Waxay kaloo heli doonaan dermo, maacuun, baco iyo xirmooyin ay ku jiraan alaabta fayo-dhawrka.

Cuntadu waxay gaareysa muddo hal bil ah waxaana bisha Maarso lagu dari doonaa deeq lacageed oo caddaan ah si qoysaska ula tacaalaan intii laga gaarayo xilli roobaadka soo socda (roobabka Gu’ga) oo la filaayo inta u dhaxeyso bilaha Abriil iyo Maajo. Xaaladaha abaarta oo laga dareemay dalka oo dhan, wax qeybin dheeraad ah ayaa loo qorsheeyey in ay ka dhacdo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Maalmaha soo socda ICRC waxay taageero u qeybin doontaa dad gaaraya 100,000 qof  oo ku sugan degmooyinka Matabaan( Hiiraan), Luuq iyo Baardheere(Gedo),  Badhaadhe iyo Kismaayo (Jubbada Hoose).

“Cuntadan waxay qoysaska dhibaateysan oo haystaan fursado yar ka heli doonaan nafis yar oo ku meel gaar ah,” waxaa yiri Jordi Raich, madaxa hawlaha ICRC Soomaaliya. “Laakiin xaaladdu waa ay ka fog tahay in ay dhammaatay, waxaan ballaarin doona jawaab celinteena deg deg ah oo aan gaarsiin doono qeybaha kale ee dalka. Tani keliya waa wajiga koowaad jawaab celinta deg degga ah ee ICRC iyo SRCS ka bixiyaan xaaladda aadka u daran walaaca leh oo ka jirta Soomaaliya.”

Si bulshooyinka loogu caawiyo wax ala wixii biyo ah oo la heli karo, ICRC waxay dayactireysa ceelasha waxayna siineysa berkadaha biyaha. Hawlaha dhiirigelinta fayo-dhawrka waxay ka hortagi doonaan kuna caawin doonaan cudurada safmarka ah ee la xiriira abaarta. Ugu dambeyntii, barnaamijyada la xiriira nafaqada ayaa laga xoojiyey bukaan-socod eegtooyinka SRCS iyo xarumaha xanaanada deg degga oo ku dhex yaalaan Isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo oo ay taageerto ICRC.

 

Eeg 2016 Xaqiiqooyinka iyo Tirooyinka ICRC-da Soomaaliya