Maqaalkan markiisi hore waxaa la daabacay bishii Disembar, 2016, daabacaada wargeyska Laanqeyrta Cas Bisha Cas

Sacdiya Axmed waxay kor u qaadeysa faas yar waxayna laba u kala jareysa neef ari la qalay lugteed. Iyadoo adeegsaneyso xirfad cajiib ah, waxay hilibka u kala jar jartay waslado yar yar. Sacdiya oo ka ah hilibleyaasha dumarka Suuqa Daraawiista ee Beled weyne, Soomaaliya qasadkeedu waa in dakhli joogto ah ka hesho iyadoo maalintii iibineysa neef ari ah.

“Waxay awood ii siineysaa in aan iska bixiyo biilasha qoyskeyga marka, carruurteyda xanuunsadaan aan geyn karo isbitaalka,”sidaa waxaa yiri Sacdiya oo deggan Beledweyne ka dib markii ka soo carartay Muqdisho kana soo tagtay qoyskeeda ballaaran. Iyadoo ay tahay in ay quudiso caruurta, waxay lacagta keliya haysatay ku biimeysay ka ganacsiga hilibka.

Xoolo u socda suuq ku dhow Beledweyne ee Soomaaliya ©ICRC/Rita Nyaga

Xoolo u socda suuq ku dhow Beledweyne ee Soomaaliya ©ICRC/Rita Nyaga

Inta badan tabakaayayaasaha suuqa Daraawiista waxaa ka shaqeeya dumar oo sida ugu dhakhsiyaha badan u imaada suuqa 06:00 ee subaxdii si ay u iibiyaan xaabo, dhuxul khudaar ama hilib. Jarjarida iyo gorgortanka codka dheer leh, ee qaybta lagu iibiyo hilibka waa meesha ugu buuqa badan ee suuqa- waa midda calaamadda u ah ganacsiga firfircoon xoolaha ee ka jira Beledweyne oo ah magaalada afraad ugu weyn Soomaaliya. Magaalada waxaa ku yaala laba suuq xoolaad iyo afar kawaan, shaqadana waxay bilaabmeysa ka hor waagu intuusan dilaacin.

Xoolaha waxaa lagu qala dhulka oo waxba lagu goglin hilibkana waxaana lagu nadiifiya biyaha Webiga Shabeelle kaas oo dhexmara magaalada. Ma jirto hilib baaris, hilibkana waxaa si toos ganacsatada loogu geeya gaari dameer.

Caafimaadka iyo fayo-dhawrka waa walaaca muuqda, ICRC ayaa sanadkan in ka badan 400 dumarka hilibleyaasha ah ku taageeri doontaa tababar ku saabsan sida loo maamulo hilib nadiif ah iyo xirmooyin ku ay ku jiraan mindiyo, gacan-gashiyo, labo uskag dhowre (karambiyool) hal gaari gacan. Ku dhowaad 50-kan haween oo ay ku jirto Sacdiya waxay ka imaanayaan Beledweyne.

“Inta badna dumarka hilibleyaasha ah ma helin wax tababar ah oo ku saabsan maamulida hilibka”, sidaa waxaa yiri Massimo Zecchini oo ah takhasus xoolaad ee ICRC-da Soomaaliya. “Diyaarinta hilib nadiif ah wuxuu yareyn karaa cudurada ka dhasha cuntada oo laga hortagi karo.”

Intaa waxaa dheer, aqoonyahanada xoolaha ICRC waxay tababar ku saabsan xakameynta cudurada xoolaha siyaan shaqaalaha caafimaadka xoolaha ee bulshada sidaa darteed dadka ku sugan degaanada durugsan aan la gaari karin ee xoola-dhaqatada ku sugan siin karaan adeegyada caafimaadka xoolaha. ICRC waxay kaloo dhistay saddex xarumo caafimaadka xoolaha oo ka shaqeeya saraakiisha caafimaadka xoolaha, xarumahan waxay leeyihiin shaybaaro sameeya baaritaan. Saddex kale oo dheeraad ah ayaa hadda dhismo ka socda.

“Wadatashiyo joogto ah oo ku saabsan caafimaadka xoolaha iyo helitaanka dawooyin tayadoodu wanaagsantahay waa laba siyaabood oo lagu xaqiijin karo in bulshada ay cunayaan iibinayan hilib caafimaad qabo,”Zecchini ayaa yiri. “Xoolaha waxay kaloo soo saaraan caano badan. Waqti dheer ka dib, xoolaha waxay suuqa ka goynayaan qiime sare oo kordhinaayo dakhliga qoyska.”

Dadaaladan oo dhan waxaa looga danleeyahay sidii loo joogteyn lahaa caafimaadka dadka oo horeba la il darnaa dhibaatooyin kala duwan laga soo bilaabo fatahaadyo lagu geeyo abaaro meerto ah, barakac iyo colaad weli socoto. Dadaaladan waxay kaloo ku caawiyaan ilaalinta caafimaadka cuntada suuqa maxalliga, hab-nololeedka iyo ganacsiga maxalliga ah iyadu taageerto.

Caqabado badan

Suuqan bootada badan ganacsigu wuxuu u muuqdaa mid wanaagsan, haweenka Suuqa Daraawiista waxay la kulmaan caqabado badan. Inta badan waa hooyooyin keligood korsada carruurtooda ka dib markii ay ka dhinteen nimankood colaada darteed.

IMG_0409

Dumar hilibleyaal ah oo hilib ku iibinaaya suuqa Daraawishta ee Beledweyne. Waxay ICRC ka heli doonaan tababar ku saabsan habka loo diyaariyo hilib nadaafaddiisu fiicantahay oo ammaan ah. ©ICRC/Rita Nyaga

20-kii sano ee ugu dambeeyey, tirada qoysaska haweenka masruufa ayaa sii kordhaayey, haweenkan waa kuwa ugu nugul welina waa kuwo aad u adkeysta oo maamula ganacsiyo yar yar, koriyaan carruur, waxayna door muhiim ah ka cayaaraan xasiloonida suuqyada maxalliga iyo qaab-dhismeedka bulshada.

“Ayagoo maamula ganacsiyo yar yar sida biibitooyin lagu iibiyo shaaha iyo kawaanle waxay wax ku biiriyaan dhaqaalaha miyiga iyo meelaha magaalooyinka ah,” sidaa waxaa yiri Dusan Vukotik, Isku-duwaha ICRC-da Soomaaliya ee barnaamijyada gargaarka.

“Waxaan ku taageernaa tababarka xirfadaha ganacsiga si ay u maamulaan nooca ganacsi ay doorbideen.”

Hooyooyinka ku keligoobay doorka masruufka guriga iyo waalidnimo ayaa si gaar ah dhib u qaba. Sacdiya waxay dib u xusuusatay maalin guriga ku soo laabatay si ay u aragto ilmaheeda ugu da’da yar oo kufay si halis ahna madaxa ugu dhaawacmay. Waxay ula carartay isbitaal halkaas oo lix bilood kula qaadatay daryeelkiisa.

Laba maalmood ka dib markii wiilkeeda dhacay, waxaa yimid boliis raadinaya Sacdiya sababta oo ah milkiilaha biibitada suuqa ku taalo wuxuu u qaatay in magaalada ay ka tagtay ayadoo aan iska bixin lacagta kirada. Inkastoo canugeed weli ku jiro isbitaalka, waxay noqotay in ay ku laabato shaqada. Sacdiya biibitadeeda waxay furtaa 6 saacadood maalin kasta, guriga ayaa tageysay si cunto ugu kariso carruurteeda kale, ka dibna habeenkii waxay wiilkeeda la joogeysay isbitaalka. Inkastoo wiilka bogsaday, dhacdadan waxay wax yar ka bidhaamineysa qaar ka mid ah caqabadaha waa weyn haweenka halkaan ay wajahaan.

Waxaa diyaariyey Rita Nyaga
Rita Nyaga waa kaaliyaha warfaafinta ee ergada ICRC-da Soomaaliya

*Magaca Sacdiya waa la bedelay si loo ilaaliyo asturnaanteeda.