Cabdi Xuseen mar wuxuu Soomaaliya ka ahaa maxbuus oo aan laheyn xirfado suuqa ka gadmi karto. Maanta asagoo jooga hoosada Maandeeq waxaa oogadiisa daboolay xashka ka soo daatay miishaarta. Wuxuu leeyahay xabsi ugu mahadceliyo arrintan.

“Xirfadda nijaarada aan ka soo bartay Xabsiga Mandheera waxay iga dhigtay in aan dareemayo sidii qof ku biiray hay’ad waxbarasho, ee aan xabsi aheyn, Xuseen ayaa yiri”. “Casharadii aan soo bartay ayaan ku sameeya sariiro, miisaska qadad iyo alaabta kale ee guriga. Sida aad ujeedaan, hadda waxaan miiska cuntada u sameynaya qoys dhowaan isguursanaayaan”

Dibadda dukaan yar oo nijaarada ah kuna yaalo wado mashquul badan ee Hargeysa ayaa Cabdi wuxuu kala jaraya loox si miis ugu sameeyo kuwo dhowaan isguursaday. Asagoo xiran yuunifoom cas wuxuu soo qaatay shukumaan (tuwaal) si isaga masaxo dhididka wejigiisa wuxuuna dib u xusuustay wixii dhowaan soo maray.

Cabdi markii lagu xukumay laba sano xabsi ku hayn, qoyskiisa waxay u guureen Itoobiya si ay ula joogaan qaraabo maadaama aan awoodi karin in ay iska bixiyaan kirada. Intii uu ku jiray xabsiga, Cabdi wuxuu ka faa’idestay tababar xirfadeed ku taageertay Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) si uu u barto nijaarada.

“Sida ay u shaqeyneyso wax fikrad ah kama aan haysan. Waxaan eegi jiray nijaariinta oo iibinaaya ganjeelooyin iyo sariiro maanta anigaaba halkaan joogo sababta oo ah waxaan helay fursad  aan kaga mid noqdo kuwa loo doortay in ay bartaan wax cusub. Waxay aheyd waqti yar oo iga yaabiyey intaan noolaa” sidaa waxaa yiri 35 sano jirka.

ICRC waxay tan iyo sanadkii 2014-kii maxaabiista ku jirta Xabsiga Mandheera oo ku yaalo waqooyiga dalka ku taageereysay barnaamijyo tababar xirfadeed. Iyadoo lala kaashanaayo maamulada khuseeysa, ICRC waxay tababarayaasha siisaa qalab iyo waxyaalaha loogu baahanyahay in barnaamijyadan ay shaqeeyaan. Barnaamijyo la mid ah ayaa ka socda qeybo ka mid ah dalka si loo hagaajiyo wanaagga maxaabiista loona fududeeyo baxnaanintooda iyo dib u dhexgalka bulshada ka dib marka la sii daayo.

Markii laga sii daayey xarunta xabsiga bishii Maarso 2016-kii, Cabdi waxaa kireystay dukaanka nijaarnimada ee Maandeeq. Wuxuu awood u yeeshay in uu soo celiyo qoyskiisa dibna ula midoobay laba sano oo kala magnaayeen.

Asagoo adeegsanaaya xirfadaha ku soo bartay gudaha xabsiga, ka dib markii la sii daayey, qoyskiisa wuxuu dhul adeerkiis  ku caawiyey ku dhistay aqal cooshad ka sameysan.

“Waxaan ku faraxsanahay 20-ka doolar maalintii aan ka helo shaqada aan qabto taas oo wax ku bartaan labadeyda gabdhood halkii ka walwali lahaa bixinta kirada. Waxaan arkaa in nolosheyda ay kobceyso,” Cabdi ayaa yiri.

Cabdi wuxuu yiri waxaan hadda qorsheynaya in aan furto dukaan nijaarnimo oo isaga u gaar ah ka dibna kireysto dhallinyarada shaqo la’aanta ah kuwaas oo haddii kale laga yaabee  ay galaan dembi.

Fursad dib loogu dhisaayo noloshooda

Maxaabiista isku qortay barnaamijka tababarka nijaarada oo wadahadal la leeeyihiin koox ka socota ICRC oo booqaneysa xabsiga. ©ICRC/Maxamuud Miraaj

Maxaabiista isku qortay barnaamijka tababarka nijaarada oo wadahadal la leeeyihiin koox ka socota ICRC oo booqaneysa xabsiga. ©ICRC/Maxamuud Miraaj

Jamaal Xassan*, waa maxbuus ku jira xabsiga Mandheera wuxuu sameeyey miiska cuntada oo qurux badan kaas oo soo jiitay taliyaha xabsiga Xassan Maxamed oo ballanqaaday in uu iibsan doono waxa cusub oo uu sameeyo maxbuuska. Dakhliga ka soo xarooda dadaalada ay sameeyaan maxaabiista waxaa loo isticmaala in lagu daboolo kharajyada hawlgalka barnaamijka iyo in lagu wanaajiyo xaaladaha guud ee nolosha maxaabiista.

Jamaal, waxaa la sii deyn doonaa bisha Janaayo 2017-ka wuxuu rajo ka qabaa in lacag heli doono oo Magaalada Hargeysa kaga furto hooso halkaas oo maxaabiista asaga oo kale ah ka heli karaan fursad dib ugu dhistaan noloshooda marka ay ka soo baxaan xabsiga. Laga yaabee in ay ku biiraan Cabdi?

Jamaal Xassan waa maxbuus oo shaqo ka hayo gudaha xabsiga ©ICRC/Maxamuud Miraaj

Jamaal Xassan waa maxbuus oo shaqo ka hayo gudaha xabsiga ©ICRC/Maxamuud Miraaj

Louise Broomhead waa ergada ICRC-da Soomaaliya oo kormeerto barnaamijka tababar xirfadeedka waxay tiri waxaa jiraa horumar la sameeyey.

“ICRC-du waxay maxaabiista siisay xirfado nolosha qiimo u leh ee dhar tolida, alxanka, iyo nijaarada oo  rajeyneyno in ay heli doonaan fursado dheeraad ah marka la sii daayo.”

Waxay sii raacisay, “Mudada xabsiga barnaamijyadan waxay ka qeybgalayaasha ka dhigayaan kuwo firfircoon oo ujeeddo cad leh.”

Sanadkan, ICRC waxay hawlo kala duwan sida fuundi, alxanka, dhar tolida iyo nijaarada u tababartay 180 maxaabiis oo ku kala jiraan xabsiyada Boosaaso iyo Mandheera.

 

Akhriso wax badan oo ku saabsan shaqada ICRC ka qabato meelaha xabsiyada Soomaaliya

Daawo muuqaal ku saabsan booqashooyinka ICRC ku bixiso meelaha xabsiyada

Keydka sawirada oo ku saabsan sida loo fuliyo booqashada xabsiga

 

*Ma ahan magaca dhabta ah