Dadku waxay had iyo jeer adeegsanaayan qalalaase si ay ugu xaliyaan khilaafaadka. Dhaqamada oo dhan had iyo jeer waxay qabaan fikradda ah in qalalaasahaas uu lahaado xad haddii aan rabno in aan ka hortagno in dagaalada aan hoos ugu daadegin wuxuushnimo. Tusaale, waxaa jiraa xeerar badbaadinaaya kuwa aan ka qeyb qaadaneynin, maxaabiista iyo kuwa dhaawacma. Xeerarkan waxaa lagu soo bandhigay xeerka caalamiga ah ee aadminimada. Haa, xitaa dagaaladu xad bay leeyihiin. In la weeraro dadka rayidka ah waxay ka dhigantahay dembi dagaal. Maanta oo aan u dabaaldegeyno xuska 150 sano guurada ka soo wareegatay asalka Axdiga Jenefa, waxaa dhammaan qeybaha ku lugta leh colaada oo dhan ugu baaqeynaa in ay dhawraan waxa ay ka dhigantahay  in la ahaado aadane iyadoo la raacayo xeerka caalamiga ah ee aadminimada. Caawimo waad ka geysan kartaa adigoo wadaagaya fiidiyowgan oo sharxaya waxyaabaha aasaaska u ah xeerka caalamiga ah ee aadminimada.