Iyadoo bulshada caalamka ay xuseyso Maalinta Biyaha Adduunka ee 2016-ka halkudheggiisuna yahay “Biyo Fiican, Shaqooyin Fiican”, waxaan diiradda saareynaa Soomaaliya oo ah waddan ku dhufatay xilliyo abaar soo noqnoqotay iyo macluul. Dhibaatadii ugu xumaa waxay aheyd sannadkii 2011kii waqtigaas oo abaar daran ay horseeday macluul oo dishay dad lagu qiyaasay 260,000 barkoodana ay ahaayeen carruur da’dooda ka hooseyso shan sano. Bulshada Soomaaliya biyuhu wuxuu u yahay kheyraad aad qaali u ah oo si ballaaran ugu tiirsanyihiin xoolaha iyo beerafalashada oo ku xiran habnololeedka.

Sawiradan waxay muujinaayaan hawlaha Guddiga Caalamiga  ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ay ka fuliso Soomaaliya oo dhan, Gobolka Bakool rag ceel biyo uga shubaaya geelooda iyo haweenay shaah u shubeysa macaamiisheeda ku sugan tuulada Bitaale ee Gobolka Mudug ee waqooyiga durugsan oo ah meel hadda ay ka jirto abaar.

 

Magaalada Xuddur, Gobolka Bakool oo rag ceel biyo ugu shubaaya tiro geel ah. ©ICRC/Pedram Yazdi

In ka badan kala bar dadka Soomaaliya waxay dakhli ahaan iyo dheef ahaanba ugu tiirsanyihiin xoolaha nool sida ariga,idaha, geela iyo lo’da. Badanaa xoolaha waxay ka koobanyihiin geela iyagaana loo jecelyahay iyaga oo u abuuran in ay u adekystaan xilliyada dheer ee jiilaalka sidaasna ayey bulshooyinka muhim ugu yihiin in ay caawiyaan marka ay wajahaan shiddo abaar.Sannadkii 2015kii, ICRC waxay qoday ceelal iyo ceel gacmeedyo kuwaas oo caawiyey in ka badan 114,000 qof.

 

Beeraley ka shaqeynaya beertiisa ku taalo Gobolka Bakool, Soomaaliya. ©ICRC/Pedram Yazdi

Bulshooyinka qaarkood waxay noloshooda ku tiirsantahay beerafalasho. Dalku wuxuu leeyahay laba xilli roobaad: Roobabka Gu’ga kaa oo da’a inta u dhaxeysa bilaha Abriil iyo Juun iyo roobabka Deyrta oo da’a dabayaaqada sannadka inta u dhaxeysa bilaha Oktoobar iyo Disembar. Bilaha u dhaxeeya labada xilli qoyan waxay yihiin kuleyl aad u daran oo ku adag beeraleyda u baahan in dhulkooda waraabsadaan. ICRC-na waxay ka shaqeyneysaa in ay beeraleyda ku taageerto abuur iyo cagaf-cagafyo iyo sidoo kale u dhisida berkedaha lagu keydsado biyaha roobka kuwaas oo bulshooyinka lagama maarmaan ugu ah inta lagu jiro xilliyada jiilaalka. In ka badan 38,000 qof ayaa sannadkii 2015kii ka faa’ iday cagaf-cagafyo iyo qalab-beereed kale oo laga qeybiyey Soomaaliya, iyadoo ICRC xitaa dalka oo dhan ka dhammeystirtay 27 mashaariic dhisme oo biyaha dhulka dushiisa iyo kan roobkaba lagu keydsado.

 

Sanduuqa qalabka oo caadiyan isticmaasho ICRC waaxdeeda Biyaha iyo Deegaanka. ©ICRC/Pedram Yazdi

Xilliyada colaada hubeysan, waxaa dhaawac soo gaari karaa kaabayaasha biyaha iyadoona helitaanka saheyda biyaha ay noqon karto kuwo dhib badan. ICRC-du waxay isku dayeysaa in ay hubiso in dhibbanayaasha iyo kuwa barakacay ay helaan biyo iyadoo loo dayactiraayo dhismayaasha biyaha ama si buuxda loogu dhisaayo meelaha biyaha laga dhaansado si loogu caawiyo qoysaska barakacay.ICRC waxay sannadkii 2015kii dad ka badan 240,000 u hagaajisay helitaanka biyo nadiif ah oo la cabo.

 

Waxaa la isticmaalaa aalada “conductivity meter” si loo cabiro cusbada ku jirta biyaha. ©ICRC/Pedram Yazdi

Iyadoo helitaanka ilaha biyaha ay muhim tahay sidoo kale waxaa muhim ah in biyuhu uu ku habboonyahay isticmaal. Biyo nadiif ah wuxuu muhim u yahay in cudurada ka dhasha biyaha la iska ilaaliyo. Nasiib-xumo, daacuun ayaa galaaftay nolosha todoba ruux, halka ku dhowaad 300 xaaladood la dhigay Isbitaal Goboleedka Baydhabo. Caawimaada ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa tuulooyinka saameysay cudurka loo qeybiyey kaniinka biyaha lagu sifeeyo si loogu nadiifiyo ilahooda biyaha.

 

Mid ka mid ah sawirada loo isticmaalay ololaha fayo-dhawrka iyo nadaafadda guud oo ICRC ka sameysay xabsiyada dalka oo dhan.

Ololaha wuxuu qeyb ka ahaa barnaamijka xabsiga kaa oo xaqiijinaaya in shaqsiyaadka laga qaaday xorriyadooda ay ku noolaadaan xaalado bani’ aadamnimo leh sharafna ay la jirto. Sawiradan waxaa loo isticmaalay in sare loogu qaado ka warhaynta  iyadoo la tallaabooyin fudud loo adeegsanaayo joogteynta fayo-dhawrka fiican. Ku dhowaad 9,000 maxaabiis ayaa ololahaan la gaarsiiyey sannadkii 2015kii.

Sawirka waxaa ku qoran af -Soomaali. Waxayna tahay “Marwalba gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo booqashada suuliga ka dib.”

 

Caruur faraxsan oo joogaan Soomaaliya waxay midba markiisa biyo ka cabayaan qasabad dhowaan la rakibay. ©ICRC/Pedram Yazdi

Hawlaha ICRC ka wado Soomaaliya waxaa ka mid ah qasabado lagu rakibo xeryaha barakaca, qodida ceelasha, dhismaha baraago lagu keydsado biyaha roobka iyo dhaqan-celinta dhismayaasha biyaha lagu keydsado iyo meelaha laga qeybiyo si loo hubiyo in baahidan lama huraanka ah ay helikaraan dadka saameysay.

 

Haweeney Soomaaliyeed oo la yiraahdo Faadumo Cabdi waxay shaah ku shubeysaa koobab si ay u siiso macaamiisheeda. ©ICRC/Miraj Mohamud

Shaahu wuxuu Soomaaliya ka yahay cabitaan bulshadeed aan laga maarmi karin. Badanaa waxaa lagu diyaariyaa iyadoo la isticmaalayo caanaha geela, way adagtahay in subaxdii ama fiidkii aan la cabin koob shaah oo kuleyl ah meel kasta oo Soomaaliya ka joogto. Magaalooyinka waxaa ka muuqda dukaamo shaah oo ku buuxaan macaamiil oo ay fadhiyaan iyagoo sheekeysanaaya shaah cabayaan. Inta badan dukaamada shaaha waxaa maamula haween oo ka hela dhakhli, Faadumana waa mid ka mid ah haweenkan. Biyaha ay ku isticmaasho dukaankeeda shaaha waxaa laga keena Bitaale, deegaan ku yaalo koofurta degmada Gaalkacyo, Soomaaliya. Biyaha waxaa laga soo dhaansadaa ceel meesha u dhow oo ICRC ka qoday bishii Luulyo 2015kii.